SomalilandTomorrow.com
Ku mashquulka dhacdooyinka maalinlaha ah iyo ka mashquulka sababta weyn ee mus-dambeedka u ah dhacdooyinkaas!
July 31, 2017 - Written by admin

Weli gaal kumuu dhalan
Dhudiyeey dushaadee
Hargeysaay ha dheelliyin
Ha dhantaalmin weligaa!

Waa heestii Cabdi Qays uu u tiriyey magaalda Hargeysa sannadkii 1978-kii ee ay ku luuqayn jirtay fannaanaddii Sahra Axmed Jaamac. Sida heestu leedahayna, Abwaanku waxa uu magaalada Hargeysa oo xarun u ahayd dhulka Soomaalilaan uu ku ammaanayaa in aanu weligeed gaal ku dhalan, balse maanta ammaantaas waayuhu ma rumayn doonaa, mise wuu beenin doonaa!

Ummadi mayd kama duwana haddii laga waayo dareen guud oo mideeya, kaasi oo ay ku ilaashadaan danaha guud ee iyaga ka dhexeeya, kuna diidaan wax kasta oo dhibaato wadareed u keeni kara. Ma jirto dhacdo mawtal-qafle ah oo mar kaliya iska qaraxda sida miinada, caadooyinka dhacdooyinkuna waa in ay jiraan sababo is biirsaday oo ay natiijadoodu noqotay dhacdadan soo jiidatay indhaha dadka. Muhiimaddu ma’aha dhacdada, balse waa sababta.

Nin ayaa lagu yidhi: “Hebel wuu ku caayayey”, dabadeed waxa uu yidhi: “Dee adeer col baanu ahayn”. Macnuhu waa in aanu la yaabin cayda ninkan oo awalba waa uu ka filanayey in uu caayo, waayo wanaag kama uu dhaxayn. Maanta, anigu lama yaabbani in Hargeysa laga furo Kinniisad, waayo silsiladda dhacdooyinka iyo weerarka aan kala hadhka lahayn ee daaqsinta geel lagu shareeray ee shantii sanno ee ugu dambeeyey ku socday magaalada Hargeysa aad ayaan ula socday, sababtaas awgeed waan filayey in Kinniisad laga furo, waanan filayaa in ay wax ka darani soo socdaan! Bal ila eeg dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dhacayey sannadihii ugu dambeyey:

1. Horraantii bishii August.2015-kii, waxa bandhig ku-sheegga buugaagta ee Hargeysa lagu soo marti qaaday gabadh u ololeysa xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee is guursada, gabadhaas oo uu magaceegu ahaa Jude Kelly, kana tirsan urur lagu sheegay WOW (Women of World). Gabadhan shaqadeedu waxay ahayd in ay u ololayso dadkaas isku jinsiga ah in ay is guursadaan, isla markaana ay dhiiri-geliso cid kasta oo arrintaas fool xumada ah u heellan, waxaana ay halkaas ka jeedisay khudbad, waxaana ay hablo da’ yar la gashay shirar qarsoodiya, kuwaasi oo shaki la’aan xidhiidh la lahaa arrintan ay ka shaqayso ee ah xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee is guursada. Dhacdadaasi waxa ay ahayd baraarujin xataa qofkii hurdadiisu weyn tahay uu ku toosi karayey. Balse ma cid baa juuq ka tidhi? Maya. Waxa ay qodaxdii koowaad ee tijaabada, balse cidiba “ax” ma ay odhan oo irbadda si wanaagsan ayaa loo qaatay.

2. Isla sagaal bilood kadib, oo ku beegnayd horraantii bishii May ee sannadkii 2016-kii waxa Hargeysa yimid nin lagu magacaabo Anderson Cooper, kaasi oo isaguna ahaa waxa Gay-ga loo yaqaanno. U fiirso oo sannad wax ka yar ayaa laba ruux oo noocaas ahi Hargeysa yimaaddeen. Intaas wixii ka dambaysayna waxa bilaabmatay dhiirranaanta, mar haddii la arkay in ay bulshadu mayd tahay.

3. Isla maalmahaas, bishii Julaay ee sannadkii 2016-kii, dhallinyar tiradooda lagu qiyaasay toban oo iskugu jirta rag iyo dumar ayaa ka noqday diinta Islaamka, kuwaasi oo qaatay diinta Kiristanka. Waxaana dhallinyartaas lagu soo jiirtay hunguri iyo dhaldhalaalka adduunyo ee kooban, dhaameelkana waxaa u lulay lammaane is qabay oo reer Yurub ahaa.

Kuwaasi waa dhacdooyinkii caanka ahaa ee dhegaheenna soo wada gaadhay, balse hubaashu waa in ay jiraan dhacdooyin badan oo qarsoon, intooda badanna aan war laga hayn oo kuwan la mid ah amaba ka daran. Intaasba ninkii goob-joogga ka ahaa, waxba lama aha in maanta Kinniisad laga furo Hargeysa, waayo waabuu filayey! Balse qofka maanta uun ku baraarugay Kinniisada la furay oo uu warbaahinta ka maqlay, run ahaan wuu la yaabayaa, waayo waxa uu isagu qiimaynta saaray dhacdooyinka maalinlaha ah ee isma uu weydiin maxaa ka horreeyey, ama ka dambeeey.

Dastuurku si cad ayuu u sheegay in aan dhulka Soomaalilaan lagu faafin karin diin kale oo aan ka ahan ta Islaamka, balse ma cid ayaa ixtiraamtaba, wuxuu iska noqday waraaqo bilaa qiimo ah oo af macaani ku qoran yahay. Malaha waa afkii dumarka lagu soo xero-gelin jiray!

Ta ugu daran ee xalkeegu adag yahay ayaa ah in aynaan maanta awood u lahayn baabi’inta Kinniisaddaas, waayo waxa u qoollan kumannaan masaajid oo dhul gaaleed ku yaalla iyo inta ku cibaadaysataba. Belaayo, daaman qabasho ayey leedahay ee daba-qabasho ma leh.

Waxyaabaha la qiyaasi karo ee soo socdaa waa in bulsho Kiristan oo gacan-ku-rimis ah kooto loogu xidho Kuraasta Baarlamaanka dalka iyo in saami libaax loo tuuro goleyaasha kala duwan ee dowladda.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

COMMENTS
Latest News