SomalilandTomorrow.com
Waa Kuma Dr Abdirahim Cabdilahi Ducaale ? Waxbadan Ka Ogow
July 30, 2017 - Written by admin

Dr Abdirahim Cabdilahi Ducaale Wuxuu ku dhashay Degmada Sheikh Ee Gobolka Saaxil 03.08.1982, waxaanu waxbarashada dugsiga hoose Dhexe ku qaatey Magaalada Hargeysa , Dugsiga Hoose  Dhexe ee Sheekh Madar, taas uu dhameeyey sannad dugsiyeed 1998/1999, wuxuuna kamid ahaa dufcadii koowaad ee si xidhiidha u dhameysa silsilada waxbarasho ee dugsiga hoose Dhexe , taas oo ay wasaarada waxbarashadu ku faani jirtey, maadaama ay ahaayeen Uuladii koowaad ee wadanka ka bilaabey waxbarashada

Dabadeed wuxuu galay Dugsiga Sarre ee 26 juun sannadkii 1999 taas oo uu dhameeyey sannadkii 2003, isla sannadkaasna wuxuu ku biirey kuuliyada Daawada iyo Qaliinka   ee Jaamacada Hargeysa  oo sannadkaas la bilaabey, wuxuuna  dhameeyey 1st July 2009 oo ku qaatey  Shahaada Caafimaadka ee Daaweynta iyo Qalliinka(Bachelor of Medicine and Surgery ).

Wuxuu mashruuca internship programme ku qaatey Magaalooyinka Borama , Hargeisa iyo Berbera taas oo soo gunaadey shan iyo toban bilood ka bacdi oo ka soo bilaabantey September 2009.

Sannadkii  July 2010 waxa laga shaqaaleysiiyey cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeisa Qaybta lagu Xannaaneeyo carruurta shanta sanno ka yar ee Nafaqo Darradu ku dhacdo taas oo uu ka shaqeynayey muddo Sideed billood ah , isagoo ku jira Lixdii billood ee u dambeysey ee Mashruucii Layliga Dhakhaatiirta Somaliland ee ka soo baxa jamacada Camuud iyo Hargeisa.

01.5.2011 wuxuu ku biirey Haya’ada MSF HOLLAND mashruuc ay ka wadey Gobolka Sanaag siiba Cisbitaalka Guud ee Ceerigabo, taas oo ugu shaqeyn jirey Daaweynta Xanuunada Guud iyo Caruurta, wuxuuna ceerigabo ka shaqeeyey Dr Abdirahim  muddo dhan Afar iyo Toban billood.

01.08.2012 kiina wuxuu ku guuleystey shaqo ka soo baxdey Xafiiska Cududa  Shaqaalaha Caafimaadka ee Wasaarada caafimaadka oo ahayd Xidhiidhiyaha Mashruuca Layliga Dhakhaatiirta ka soo baxda Jaamacadaha (Internship Cordinator), wuxuuna xafiiskaas ka shaqeynayey muddo ku began 10 billood.

  1. May 2013 ayuu wasiirkii hore ee Caafimaadka Dr Xusseen Muhumed Mohamed u magacaabey Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Saaxil , shaqadaas oo ilaa hada dhakhtarku ka shaqeeyo horumar weyna uu gaadhsiiyey Adeegyada Caafimaadka ee Gobolka Saaxil sannadkaas iyo lixdaa billood ee uu ka shaqeynayey Caafimaadka gobolka Saaxil.

Wuxuu xidhiidhiyaa Dr Abdirahim Abdilahi Dualeh mashruuc Hablo reer Holland ah oo leh urur lagu magacaabo Do HAwood kuwaas oo 16 Arday oo bilaash ku dhigta Jaamacada Hargeisa kuuliyadeeda Caafimaadka oo Labadii u horeysey qalinjebinayaan Sannadkan soo socda.

25 bishii June 2014 Carwadii Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa Dr Abdirahim Abdilahi Dualeh Lagu Abaal mariyey Isudawaha ugu Fiican Isuduwayaasha Caafimaadka.

Wuxuu ahaa Isudawaha Caafimaadka Gobolka Saaxil May 2013 ilaa January 2017 , oo Xilka uu ka tegey , intii uu Gobolka Saaxil Adeegyadiisa Caafimaaad maamulayey , wuxuu kor u qaadey tayada Adeegyada Caafimaadka Gobollkaas , isagoo yegleelayna Xarumo Caafimaad oo badan , halka kuwa kalena uu balaadhiyey , Wuxuu Gobolka ka tegey isagoo gaadhsiiyey 18 xarumood oo ku Asaasiga ah (Primary Health units, 7 Xarumaha Caafimaadka(Health center) , Saddex xarumaha Caafimaadka Gudbinta Gudbinta (Referral Health Center), Wuxuu Cusbitaalka Sheikh Gaadhsiiyey Cusbitaal Degmo , isagoo u dhameystirey dhamaan Qalabkii iyo Agabkii loogu adeegi lahaa Dadweynaha Degmada Sheikh iyo Kuwa Wada Maraya , iyadoo Shaqaalaha Cusbitaalka Degmadas uu gaadhsiiyey 64 Shaqaale ah,  oo leh , Xray , Ultrasound , Laboratory , Pharmacy , Theatre Qalabkii u dhan yahay, iyo Dhakhaatiir Afar ah oo ka hawlgala cusbitaalkan , Iyadoo Qaliimada looga yimaado ilaa Wadamada aynu jaarka nahney .

Cusbitaalka Berbera Dr Cajab , Wuxuu ku soo kordhiyey Qaybta Caruurta oo loo dhisey Waadh casriya oo aanu jirin mid lamida Gobolada Somaliland oo dhan , iyadoo intuu xukumayey Gobolka uu yegleelay Qaybaha Ilkaha , Indhaha iyo Isagoo kor u qaadey Qaybta ama cusbitaalka Xanuunada Dhimirka  ee Berbera , kana hawlgeliyey Dhakhtar Takhasus ku leh xanuunada Dhimirka oo la yidhaahdo Dr Liban Ahmed Xirsi , Lix Kalkaaliyayaal  Caafimaad, oo ahayd markii u horeysey ee qof si dhaba wax u bartey uu xanaaneeeyo , daweeyana dadka Dhimirka ka jiran, iyo Lix Social worker oo dhamaantood Guno  ka Qaata Hay’ada Mashruuca xidhmooyinka Caafimaadka ka wadey Gobolka Saaxil ee looyaqaan Health Poverty action , Wuxuuna soo gebagebeeyey Fikradii khaldaneyd ee Dadka Dhimirka xaneeneeya laga dhigi jirey , Shaqaalaha Qaybaha Kale ee Cisbitaalka lagala quusto , ‘’ka Dadka miyirka Qaba lagala quusto in loo diro inuu xaneeneeyo Dadka maskaxda ka jiran’’

Dr Cabdirahim Abdilahi Ducaale , waxa uu labalaadhiyey xarumaha Godaweyn , Abdaal , Lascidleh , oo uu ka dhisay Tiyaatarada Qaliinka , iyo isagoo ku kordhiyey Abdaal iyo Godaweynba Laba Waadh oo lagu xanaaneeyo Caruurta oo keliya , kolka markii hore Dhamaan Dadka soo bukooda ee Degmooyinkaas lagu xanaaneyn jirey Hal waadh oo keliya oo ka yegleelnaa .

Xarunta Suuqsade oo Daryeele keliya ka hawlgeli jirey , ayuu u dalacsiiyey Xarun Caafimaad, iyadoo lagu shaqaaleeyey Shaqaale caafimaad oo Sagaala , Dib udhis iyo dayactir balaadhana lagu sameeyey Xaruntaas Caafimaad, si ay u qabato adeega Caafimaad ee loogu talogalay iney qabato oo dhan , culaysna ka qaadey Cusbitaalka sheikh , Xanaaneysa oo Daryeesha Dadka ka imanaya Gugux ilaa Gidheys.

Waxa mudadii uu xilka hayey uu balaadhiyey Xarumaha Jamalaaye , Xanaanada Dhexe ee Berbera , Bulahar , Lasodacawo oo shaybaad ku soo kordhinayey ay kala shaqeyneysey Hay’ada Bisha Cas .

Xarumaha Asaasiga uu dhisey , waxa kamida , Xarumaha Asaasiga ah Ee Ceelsheikh , Boodaale , Hayeyti , Dallow, Dariiqa , Xamaas , iyo Mandheera oo uu dib u furey .

Intii uu Isuduwaha Ahaa wuxuu kor u qaadey Wada shaqeynta Kooxda maamusha Caafimaadka Gobolka Saaxil ee Heer Gobol , taas oo keentey in markasta oo Gobolada laysugu yeedho ay Saaxil loo soo qaato tusaale ay wax ka baran karaan Gobolada kale ee Somaliland.

Sagaal iyo Labaatan Daryeele , 15 Kalkaaliye Caafimaad iyo 12 Umuliso ayaa Gobolka u soo qelinjebiyey , lagana hawlgaliyey xarumaha Gobolka ku baahsan oo dhan dhamaantood.

Tan iyo markii uu wasaarada Caafimaadka ku soo biirey , wuxuu Qaatey Tababaro badan oo ka dhacay Wadanka Gudihiisa iyo Dibadiisa , oo ay ka mid ahaayeen kuwo uu ku tegey Wadamada ,Malawi , Kenya(Kisimu iyo Naivasha ) iyo Uganda oo uu ka tegey Kampala , kuna soo baranayey Nidaamka Caafimaadka Wadamada loo maamulo, una sahashey inuu si wanaagsan u fahmo Nidaamyada Caafimaadka wadamadaas ka yegleelan si uu barbardhigo ka Somaliland Guud ahaan , gaar ahaan Gobolkuu maamulayey.

Masoo koobi karo , waxyaabaha uu qabtey , se korka xaadisbaan idiinka soo qaatey.

 

 

COMMENTS
Latest News