SomalilandTomorrow.com
NABI MAXAMED(NNKH), MA INOO SHEEGAY DAWADA HIV- AIDS KA?
July 30, 2017 - Written by adan caydiid

Marka hore illaah baa mahad leh, allahaasoo ii suurta galiyeye in aan maanta idin la wadaago maqaal aad u xiiso badan, kaasoo markii aan ugu horeyn anigu arkay ama akhriyey noloshayda waxa badan ka bedelay.

Run ahaantii, waxa jirtay kaniisada ku taala dalka Germany oo badanaa baadha dhaliilo ay kula doodaan diinta islaamka,  waxa ay lacag badan siiyeen laba saynis yahan si ay u beeniyaan xadiiskii nebiga ee ahaa sidan soo socota:-

لحديث أبي هريرة رضي الله عنه ، أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ( إِذَا وَقَعَ الذُّبَابُ فِي شَرَابِ أَحَدِكُمْ فَلْيَغْمِسْهُ ثُمَّ لِيَنْزِعْهُ ؛ فَإِنَّ فِي إِحْدَى جَنَاحَيْهِ دَاءً وَالْأُخْرَى شِفَاءً ) رواه البخاري

Xadiiskan oo micinihiisu yahay “ hadii uu ku dhaco duqsiqu mid idin ka mid ah sharaabkiisa, ha ku dhex muquuriyo(quusiyo) sharaabka dabadeedna ha ka saaro, maxa yeelay labada baal ee duqsigu leeyahay mid ka mid ah waxa uu sidaa xanuun (xanuun-dhaliye), kan kalena daawo” waxa weriyey abaa-hurayra.

Xadiiskani waxa uu inoo faa,iidaynayaa in hadii sidii nebigu inoo sheegay aynu samayno, in aanu duqsigu waxba u dhimaynin sharaabkeena hadii uu ku dhaco.

Hadii aynu intaa kaga nimaadno xadiiska, waxay labadii nin ee saynis yahanka ahaa ay sameeyeen baadhitaan ay ku lafagurayaan duqsiga iyo baalihiisa, ugu dambayn waxa ay ogaadeen natiijadii oo ahayd sidii nebigeena suuban(NNKH) uu inoo sheegay 14 qarni ka hor, baadhitaankaasina waxa uu noqoday mid iyaga dib ugu soo noqoda, cadeeyana in aanay haba yaraatee heli Karin waxa ay diinta islaamka kula doodaan. Intaa ka bacdi labadii saynis yahayn waxa ay cadeeyeen in labada baal ee duqsiga mid ka mid ahi uu xambaarsan yahay, xadi aad u badan oo kala duwan oo bacteria (xanuun-dhaliye) ah, taa mid ka duwan baalka kalena uu alle siiyey awood uu kaga hortegi karo bacteria-yada ( xanuun-dhaliyaha) baalka kale sido, kaasoo la yidhaahdo antibiotics (lid xanuun-dhaliye).

Intaa ka bacdi, waxa arinkii ogaatay sherked dawooyinka samaysa oo laga leyahay wadanka Germany oo la yidhahdo(Bayer pharmaceutical), sherkedan waxa ay ogaatay in ay ka faa,iidayso baadhitaankan, sidaa darted waxa ay samaysay beero ay ku dhaqanayso duqsiga noocyadii kala duwan (biological breeding farms of the flies). Waxa ayna ka soo saartay dawadii antibiotics (lid xanuun-dhaliye) uu siday duqsiga, Bayer waxa ay ku guulaystay in samayso lid xanuun-dhaliye (antibiotics) kii uga awooda badnaa kaasoo lagu daweeyey dadka xanuunsan ee qaba xanuunka aadka halista u ah ee la yidhaahdo(HIV-AIDS) alle ha inaga badbaadiyee.

Dawadanina waxa ay ka koobantahay shan xabo oo kiniini ah, qiimaheeduna waxa uu joogaa calaa xabad $ 500. hadaba waxa is weydiin leh, siday u soo saareen dawadan? Jawaabtu waa, in ay ka la soo dhex baxeen xadiiskii nebigeena suuban(NNKH).

isku soo wada duuboo, waxa mahad iska leh allaah, kaasoo iga mid dhig mid ka mid ah adoomihiisa ku midoobay diinta islaamka.

by:- ENG Mohamed hanad

email: hooyosob@gmail.com

phone: 00252634957910/00252659908491

COMMENTS
Latest News