SomalilandTomorrow.com
Kulmiye Qabyaalad, Boob, Abaaro, Shuban Biyood Iyo Sicir Barar Ma Ku Ogayd Haatana Kiniisadoo Ku Darsaday
July 30, 2017 - Written by admin

Xukuumada naf la caariga Kulmiye tay baday Somaliland waxa ka badan inta ay bartay todobaadkana muwaadin waa yaab kale iyo yaabka yaabkii waa dowlad islaam ah oo boqolkiiba 99.9% muslim ah qof qof faro ku tiris ah mooye iyada oo sidaa xaalku yahay ummada reer Somaliland arrin aan hore u dhicin oo ku cusub dalka lehna cawaaqib ayey ku kcaday dowlada Kulmiye kiniisad laga yagleeyey magaalo madaxa hargeysa shalay sababta ka dambeysa ama baahida intaa leeg ee loo qabo waamaxay ilayn ma jirto baahi weyn oo loo qabo kaniisad kaatoolig ah xiligan hadaan wax kale jirin qarankani hore wuu u jiray dhawr iyo labaatan sano wax taageero
ah isaga oo aan gaal iyo muslim toona taageero iyo ictiraaf ka helin wuu jiray ummadana uma cunamayso dooda jaban ee odhanaysa ictiraaf bay inuu fududaynaysaa waa been cad dalalku kuma ictiraafaan dalalka kale kiniisad baa ku taal iyo kuma taalo haday sidaa ahaan lahaydna dalka sucuudiga dowlada qudha may ictiraafteen

Hadana muwaadin suaasha u baahan in si weyn loo falanqeeyo arrintan ma NGO baa dan uga leh in dhalinyarada lagu majara habaabiyo dowlada Kulmiyena xooga lacag ah inay ku dhaafsatey caqiidada ummad dhan 4 million oo muslin ah arrintan waa in ay ka hadlaan madax ku sheega siiba culimada afka ka xidhay fawaaxishka dalka ka jira boobka xoolaha maatada oo ay weliba qaarkood qayb ka yihiin marka loo fiirsado qaabka ay ku luntay lacagtii abaaraha loogu talo galay labo jeer oo isku xiga iyo qaadhaankii ku xigay waa nasiib darro in kii diinta ku ilaalin lahaa madaxda isagu dantiisa gaarka ah iyo shilimaad yar ka doorsaday aakhiradiisa car ha la arko muftiga weyn ee Adan Siiro mooye wadaad kale oo ka hadlaya

dsancaani88@gmail.com

COMMENTS
Latest News