SomalilandTomorrow.com
Isbedelka Dalka Ka Dhacay Intii Xukuumada Kulmiye Talada Dalka Haysay Iyo Xaalada Dalku Maanta Marayo
July 28, 2017 - Written by adan caydiid

Intii Tallada Dalka ay Qabatay Xukuumada Xisbiga Kulmiye Waxaa Dalka Ka Dhacay Boob aan Loo Aabo yeelin Oo Hantidii Umadani

                                   

Run ahaantii Waxaa Mudan Inaynu Isku Baraarujino Oo aan  Shaki Ku Jirin In Dalkani Somaliland ay Ka Dhaceen Isbedelo Taban Iyo Qaar toganba,Isbedeladaasi Oo aanay Inta Badan Bulshada reer Somaliland Ku Baraarugsanayn Amaba Ka War Qabin,Balse Saamayn Nololeed Oo Baaxadleh Oo Dhinac Walba Inaga Taabtay ay Dalka Ka Dhaceen Intii Xukuumada Kulmiye Talada Dalka Haysay,Isbedeladaasi oo aan Maanta Jecelahay Inaan Kuwooda ugu Muhiimsan Bulshada Somaliland Maqaalkaygani ugu Soo Bandhigo,Bal Si aynu Si Dhab ah Ugu Qiimayno Wax Qabadkeedii Iyo Waxyeeladeediiba,Waxaan Halkani Kusoo Bandhigi Doonaa Isbedelada Dalka Ka Dhacay ee aynaan Ilaa
Hada Dhaadanayn Kuwooda ugu Miisaanka Culus.Waxaana Ka Mida Waxyaabahani Hoos Ku Xusan.

1.Intii Tallada Dalka ay Qabatay Xukuumada Xisbiga Kulmiye Waxaa Dalka Ka Dhacay Boob aan Loo Aabo yeelin Oo Hantidii Umadani Wada Lahayd ee aynu Ka Dhaxalnay Dawladii Somalia Iyo Tii Ingiriisba In Dad Gaar ah Laga Xaraashay Iyadoo Loo Danaynayay Maslaxado Dano Gaar ah Xambaarsanaa.

2.Waxaa Dalka Ka Dhacay In Dhamaan Ganacsigii Dalku Istaago Oo Inteeda Badan Meheradii Muwaadiniinta Somaliland Ku Lahaayeen Suuqyada Hargeisa,Wajaale Iyo Burcoba Intooda Badan Xidhmeen Amaba Kaceen,Sababaha Kelifayna ay Ugu Wacantahay In Market-kii ay Wax U Iib Gayn Jireen ee Dalka Eithopia Xuduudka Laga Xidhay,Wixii Gudaha Eithopia Gallayna Laga Dhacay.

3. Waxaa Kale Oo Dalka Ka Dhacay In Xoolihii Dhaqaalaha Bulshada Somaliland Laf-dhabarta U ahaa La Xidhay Intii Xukuumada Kulmiye Tallada Dalka Haysay Iyadoo Laga Warqabo In Intii Xukuumadii Udub Tallada Dalka Haysay ay Xoolaheenu Dalalka Khaliijka Carabta Toos ugu Dhoofi Jireen.

4.Waxaa Dalka Soo Waajahday Busaarad Baahsan Iyo Abaaro Dalka Oo Dhan Saameeyay Oo Inagu soo Noq Noqday Intii Xukuumada Kulmiye Tallada Dalka Haysay Oo Loo Aanayn Karo Dulmiga Iyo Dunuubaha Laga Galay Inta Jilicsan ee taageerada Inooga Baahan ee Alle Inagu Eegayo ee Habeen Iyo Maalinba TV-yada Dalka Baahiyaha Bini’aadaminimo ee ay Qabaan Laynoogu Soo Baahinayo ee Wax Loo Qabtay Aanay Jirin Ilaa Hadda.

5.Waxyaabaha ugu Layaabka Badan ee Dalka Ka Dhacay Ilaa Hadana Ka Dhex Dhacaya ayaa ah inay dalka Si Ba’an Oo Baahsan usoo Galeen Dad Cadow ah Oo Falka Iyo Qataarka,Sixirka Iyo Ka Ganacsiga Xubnaha Dadkuba ay magaalooyinkeeda waawayn Kasoo Buuxsameen oo aad Maalinwalba arkayso amaba Maqlayso Waalid Caruurtiisii Baafinaya Amaba Qaar La Helay Oo Ilaahay Khashifay Intii aan La Iib Gayn,Oo aynaan Ilaa Hada Arkayn Xukuumadeena oo Talaabo Sharci Iyo Mid U Kuurgelid ah Midna U Diyaar ahayn.

6.Waxaa La Ogyahay In Dhaqaalihii Yaraa ee Bulshada Somaliland Haysteen Lagaga Dhacay Mashaariicdii Jiif Oo Jaq ee Bulshada Somaliland Lagaga Dhacay Lacag Ku Dhawayd Sodon Milyan Oo Dollar ( $ 30’000’000 Us Dollars ) Oo Ilaa hada aynaan garanayn Cida Falkaasi Gaysatay Iyo  Xukuumada Oo Wax Inooga Qabatay Toona.Marka Laga Reebo inaynu Xukuumada Ka Maqalnay Dadbaanu Arrintaasi Usoo Xidh Xidhnay Keliyaata.

7.Waxaa Intii Xukuumada Kulmiye Tallada Dalka Qabatay Dalka Ka Dhacday In Ganacsigii Is Gaadhsiinta Caalamiga ah ee Internetka Loo Xidhay Shirkado Iyo Shakhsiyaad Dano Iyo Dhaqaale Laga Leeyahay Oo Uu Sidaasi Ku Noqday Mid Monopoly ah Ilaa Maantana aanay Cid Kale Dalka Keeni Karin.

8.Kootooyinka Ka Dhacday Dalka ayaa Iyaguna ah In Bangi-yadii Caalamiga ahaa ee Dalka Xafiisyada Maalgashi Iyo Bangi ee Heer Caalamiga ahaa Ka Furanlahaa Oo Kootto Loogu Xidhay Bangiyo Buurtaa Ma Gaadhayaal ah Oo aan Danihii Bulshada Somaliland Baahiyahii Bangiyeed ee ay U Qaban lahaayeen aan U Qaban Karin.

9.Waxaa Dalka Ka dhacay In Tobaneeyo Xawaaladood UKaceen amaba U Xidhmeen Kootadaa Bangiyadan Danaha Gaarka Kootada Loogu Xidhay Laga leeyahay Oo Halkaasi ay Ku shaqo Waayeen Muwaadiniin Badan Oo reer Somaliland ahi.

10.Waxaa Intii Xukuumada Kulmiye dalka qabsaday Dalka Ka Dhacay In Bilaayiin Dollar oo Dalka Debeda Kasoo Gallay aan Si Fiican Loo Maamulin Oo Ashkhaas Gaar ahi Danahooda Uga Faa’iidaysteen,Waayo Waa Markii Inoogu Horaysay ee aynu Nin Wasiir ah Ka Maqalno Waxaan ahay Afartan Jir Afartan Milyan Oo Dollar Haysta,Isagoo aynu Garanayno Maalintii Xilka Loo Magacaabay Inaanu Boqol Haysan.

11.Waxaa Dalka Ka Dhacay Oo Iyaduna Arrin Lala yaabo Noqotay In Xoriyatul Qawlkii Iyo Mucaaridkii Dalka La Wada Mustafeeyay Oo aanay Jirin Maanta Cid Mucaarid adag ah Oo Sidii Dawladii Madaxwayne daahir Riyaale Kaahin Loogu Mucaaridi Jiray ee Wax Looga Sheegi Jiray ee Golayaashan Maanta Xaqul Qalinku Ka derderay damiirkii Iyo Dantii Umada Ugu Mucaarida.

12.Waxaa Dalka Ka Dhacay In Sixir barar aynaan weligeen Aragi Inagu Dhufto oo Shilling-kii Qarankani Somaliland Dhulka Ku Dhaco Oo Halkii Dollar Lagu Sarifo Lacag Gaadhaysa Sagaal Kun Oo Shilling-ka Somaliland ah Qiimahii Lacagaha Qalaad ee Aynaan Lahaynina Sare Inoogu Kacaan.

13.Waxaa Dalka Ka Dhacay In Dhaqaalihii Dalka ee Bulshada Somaliland Ku Dhex Wareegi Jiray Intii Ka Horaysay Xukuumada Kulmiye Maanta Uu Gacanta Si Buuxda Ugu Galay Ganacsato Iyo Shirkado Oo Dadkii Camal La’aan Iyo Dhaqaale La’aan Iyo Noloshii oo Ku Kartay Uu Isu bedelo.

14.Waxaa Dalka Ka Dhacay In Waxbarashadii dalka ay la wareegaan Ashkhaas Private ahi Oo Maanta Magaalooyinka Somaliland ay Ka Jiraan Dugsiyo Intermediate ah amaba Secondary ah Oo Fee-ga Laga Qaado Ardaygu uu Ka Badanyahay Fee-ga  Laga Qaado Jaamacadaha Dalka.Oo ay weliba Taasi Usii dheertahay In Waxbarashadii Ardayga ee Afarta Sano ahayd Loogu soo Koobay Sadex Sano Iyo Wixii Kasii yar Iyadoo ay Hadana Imtixaanka La Gelayaan Ardayda aan Waxbarashada Hagaagsan helin ee Dugsiyada dawladu Maamusho, Xukuumad Wax Ka Qabatayna aynaan Ilaa Hada Arag.

15.Waxaa Dalka Ka Dhacay In Cashuurtii Muwaadiniinta Somaliland Laga Qaadi Jiray Meelkastaba Boqolkiiba Boqol Lagu Labanlaabay Oo aanay Hadana Jirin Wax Bulshadii Dib ugaga Soo Noqdaa Waayo Biyo Dalka Dadka Ku Nool Ku Filaada Laynooguma Soo Saarin, Waxbarashadii laguma Tayayn,Caafimaadkii Laguma Tayayn Oo Iyagoo Cisbitaaladii waawaynaa ee Dalku Furanyihiin Oo Sidii Dalka Loosoo Gallay aan Waxba Lagu Kordhin ayaa Hadana Waxaa Inoo Dheer In Niman Dhiig Miirato ahi ay Cisbitaalo ay dadka Ku Baadhaan oo waxay Doonaan Dadka Kaga qaadaan Loo Ogolaaday Inay Dalka Ka Furtaan,Oo Dadka Wax Alle Iyo Waxay doonaan Ka Qaadaan.Cid Ilaa Hada U Kuurgashay dhibaatooyinka Caafimaad daro ee ay Bulshada Ku Hayaan Amaba U Gaystaana aanay Ilaa Hada Jirin.

16.Waxyaabaha Kale ee Dalkani Ka Dhacay Intii xukuumada Kulmiye Tallada Dalka Haysay Waxaa Iyaduna Ka Mida In Dhaqan Xumo Baahsan Oo Inoo horseeday In Ilaahay Inoogu Cadhoodo Oo Raxmadiisii Inooga Joojiyaa ay Dalka Ka Jiraan Sida,Rag Rag Qaba,Amaba rag rag U Galmooday,Amaba Dumar Is Qaba Marar Badan aynu Ka Maqalnay Amaba Lagu Arkay Magaalooyinka Waawayn ee Somaliland.Cid Ka Hadlaysa Iyo Xukuumad U Kuurgelaysa Toona aynaan Ilaa Hada Arag, Fawaaxishkaasi oo Dhamaantood ah Wixii Ilaahay Koreeye e Ku Rogay Qowmo Luud.

17.Dumar Intay nin Guursadeen Hadana La Arkay Iyadoo ay Laba Nin Wada qabaan Oo Hargeisa,Iyo Magaalooyinkeena Kaleba Ka Dhacday Marar badan Oo aanay Jirin Haba Yaraatee Culimadii Diinta Mooyi Wax Helaye Cid Ka Hadlaysaaba.

18.Culimadii Dalka ee Alle Ka Cabsiga Iyo Iimaanka aynu U Tirinaynay Oo Dadka Faraqyadoodii Lagu Baadhanayo Si ay Dhaqaalaha Umada uga soo Ururiyaan Masaajidadii Looga Saaray Oo Sheikh Walba Gudi Loogu Magacaabay oo Intay Bulshadii Aamineen Oo Wixii Dhaqaale ahaa ee Dadka abaaraha Iyo Faqrigu Halakeeyay Lagu Saacidi lahaa La Garanla’yahay Meesha ay Geeyaan Culimadu,Oo alle Ka Cabsigii Iyo In Xaqii Umadani Masaakiinta ahaa In Ilaahay Dartee Loogu Waqaaqeeyaa meesha Ka Baxay,Cadho Allena Inaga Dhacday Oo ay Maanta Muuqato Inaynu Ku Jirto Shan Sano Oo abaar ah.

18.Dhinacii Diblomaasiyada ee aynu Dalalka Jaarka La’lahayn Oo Meesha ka Baxay Intii Xukuumada Kulmiye Tallada Dalka Qabsatay Waxaana Markhaati Cad u ah Maanta Sida Uu U Karaamo dhacay Passport-kii Somaliland ee Eithopia Sharafta Ku Lahaa ee Qofkii Dalka Eithopia Ku Gallaa Uu Uga Duwanaa Qofka Ku Gallay Passport-ka Somalia Oo aad Maqlayso Arday reer somaliland ah oo Deeq Waxbarasho Dalka Eithopia u Tegi Lahaa ayaa Ku Xaniban Xuduudka Wajaale oo Noqotay wax aan Hore U dhici Jirin.

19.Somaliland Intii Xukuumada Kulmiye Tallada Dalka Qabatay ayaa Kaw Inoo Ahayd Oo Inoogu Horaysay Inaynu Somalia Xidhiidh Dhow Iyo Mid Wada Shaqayneed La yeelano,Waayo Hore Umay Dhici Jirin Oo Dad Iyo Dal Somalia Inteeda Kale Ka Madaxbaanaanaaday 1991-kii ayaa Bulshada Caalamku Inoo Aaminsanaayeen Oo Inoola Macaamili Jireen.Maanta Intaynu Si Xun Oo Fool Xun Isugu Milanayay Waxaa Cadayn Inoogu Filayn Heshiisyada aynu Caalamka Lasoo Galno oo dhami waa Qaar Somalia Inagala Soo Wada Shaqysay Oo Dhamaantood Inoo Wada saxeexday,Waxaana Hada Inoo Cad In Caalamkii Indhihiisu Markii Hore Inoosoo Jeeday Inaga sii Jeesteen oo aanay Maanta jirin Dal Caalamka ka Mida Oo Maanta Danaheena Xiisaynayaa amaba Inagala Shaqaynaya Sidii aynu Ictiraaf Caalami ah U Heli Lahayn Oo aynu Maanta Ka dhaadhicin Karnaa Inuu Ina Aqoonsado.

20.In Laamiyo ay Dhistay Iyo Inay Wasaaradahii Dalka Dhismayaal Cusub Loosoo Kordhisay Iyo In Mushaharkii Shaqaalaha dawladaha La Kordhiyay Inkastoo aanay Shaqaalaha Dawladu U wada Sinayn Mushahar Kordhintaasi,Hadana Waxaa Barbar Socotay In Wixii La Qabtoba ay Ku Hoos Jireen Wax Umada Laga Lunsaday.

21.Arrinta Ugu Dambaysa ee aan jecelahay Inaan Maqaalkaygani Kusoo Gebo gebeeyo ayaa Wuxuu Yahay Xukuumadani Wakhtigeedu Dhamaaday ee Mudo Dhaafka ku ah Umada Somaliland,Waxay Ilaa Hada Ku Rafanaysaa In Dalka doorashooyin Xor ah Oo Xalaal ah Dalka ka Qabato ama Ka Hirgeliso Oo Mudo Ka Badan Laba Jeer ayaa Kordhin Qayrul Sharci ah Loo Sameeyay Ilaa Hadana Ma Cada Wakhtiga ay Dalkani Doorasho Ka Suurto Gelin Kartaa.

22. Xukuumada Xisbiga kulmiye waa xukuumadii Ugu Indhaha Adkayd ee ugu Dhul iibinta Badnayd ee Hanti Umadeed Oo aan Tan Iyo Maalintii aynu Xornimada Ka qaaday Ingiriis aan Sumuni Lagu Kirayn amaba Lagu Iibin U Badheedhay Inay Xaqul Qalin Iyo Xaqul Dilaal Kaga wada faasaxaan,Dalal Dagaalo Iyo Fidnooyin Horleh Inala Soo Geli Kara, Iyadoo aynaan U Samaysan Shuruuc Iyo Wax Inoo Damaanad Qaadi Karra Mustaqbalka Madaaradani La dilaalay iyo Dekedani La Kireeyayba Sida ay Dib Ugu Soo Noqon Doonaan Gacanteena.

 

Inahaasi aan Kor Kusoo Xusay Iyo Waxyaabo Badan Oo Kaleba waa Xaqiiqooyinkii Dalkani Jamhuuriyada somaliland Ka Dha

 

COMMENTS
Latest News