SomalilandTomorrow.com
Dawllada Somaliland Shacabka Dhex Ha U Ahaato
July 28, 2017 - Written by adan caydiid

Waxa jira dad ka soo jeeda Somaliland oo aaminsan mabda’a Soomaliweyn kuwo hadda Soomaaliya ku sugan, qaar hore uga soo shaqeeyey xilal

Waxa aan muran ku jirin in Somaliland ay tahay dawlad madax banaan oo aan marnaba gorgortan laga gali karin jiritaankeeda iyo weliba gooni isu taageeda, ka dib afti dadweyne oo dhacday sannadkii 2001kii, taas oo 97% ay u codeeyey inay ahaadaan qaran ka madaxbaana dawladii Soomaalida ee midawday badhtamihii sannadkii 1960 kii ee laga dhaxlay xasuusaqa iyo takoorka ka dhanka ah dadkii deganaa goboladii waqooyi xilligaas oo ahda ah Jamhuuriyada Somaliland oo dal dunida ka mid ah. Walaw aan weli loo aqoonsan dal buuxa, balse ah mid ay u dhan yihiin shuruucdii dawladnimo oo ah dal nabad iyo xasilooni ka jirto.

Waxa jira dad ka soo
jeeda Somaliland oo aaminsan mabda’a Soomaliweyn kuwo hadda Soomaaliya ku sugan, qaar hore uga soo shaqeeyey xilal waa weyna ka soo qabtay, waxa kale oo jira weriyayaal iyo fananiin iyana halkaas tagay oo qaarkood jooga, qaar ka mid ah la lama hadlo, qaar cafis ayaa loo fidiyaa kuwana waa la xidhidhaa.

Waxan u arkaa in la xidho si loo mariyo waajibkooda, haddii ay ka soo horjeestaan, waxa qarankani ku taagan yahay ee ah gooni isu taaga iyo madaxbanaanidiisa, balse waxan ka soo horjeedaa in si aan cadaalad ahayn loola dhaqmo. Waxaana haboon in si dhex ah arinkooda loo galo mana ah in si qawaaniinta dalka ka baxsan iyo tan caalamkaba kana hor imanaysa xuquuda adaamaha loo la dhaqmo, sida in xabsiga lagu sii hayo muddo dheer iyada oo aan wax maxakamad ah la hor keenin si eedaymaha loo hasyto loogu soo oogo, waana in fursad loo siiyo inuu isdifaaco loona qabto qareen u dooda xuquudiisa haddanu awood u lahayn eedaysanuhu.

Somaliland, waxay ku taagan tahay rabitaan shacab waana in dawladu dhex u haato dadka oo aany cidna garabka saarin, isla markaasna cid kale ka soo horjeedsan iyada oo u adeegsanaysa awood dawladnimo, waxaana sumcad iyo karaamo u ah dawlada in cidii loo hayo inay dalka iyo dadkaba ka galeen arimo qaranimada wax u dhimaaya la horkeeno sharciga oo danbiga ay galkeen lagu qaado si dadweynuhuna u noqdaan markhaati, taas oo tusaale u noqon karta cid kasta oo ku hamiyeysa inay ku kacaan falal noocaas ah.

Ugu danbeyntii, Somaliland waxa ka mid ah dastuurka qodob ka hadlaaya xuquuda adaamaha gaar ahaana muwaadinka, sidaas darted waa in aynudhawro dastuurka u yaala qaranka taas oo ka bilaabmeysa, dhex u noqoshada shacabka iyo u adeegistooda.

Maxamuud Xeef

COMMENTS
Latest News