SomalilandTomorrow.com
Somaliland Ku Sii Jiri Mayso Laaluush Juujuub Bax Waryaa Iyo Raaciya Raaciya
July 19, 2017 - Written by adan caydiid

Muuqaalada laga daawaday shaashadaha aduunweynaha ee ka yimid barlamaanka shacabka Somaliland runtii waxey ahaayeen kuwa naxdin leh xanbaarsan murgo weyn kana bixinaya Somaliland sawir khaldan oo dad badan oo aan ku jiro islahaayeen horaa looga soo gudbay ficiladan guracan ee aynu aawadood dagaal dheer kaga hornimid rijiimkii Afweyne balse la moodo in kan maanta ka jira Somaliland kaba si daranyahay kii aynu maal iyo dhiigba u daadinay ka hore

Muwaadin waxaa golaha shacabka hor yimid madaxweyne aan xiskiisa qabin oo qosol mooye aan laba socon foolxumada ay hogaamintiiso dhaxalsiisay qaranka kufaa kacayay mudo dheer halkuu ka nasan lahaana ummada la horyimid qoraal aan lahayn saxeex cad iyo qodobo heshiis rasmi ah balse ay gacanta u soo galiyeen qoyskiisa oo ay ugu horeeyaan xaaskiisa iyo inanka inanta ka qaba Baashe Morgan waxaase yaab leh qolada beesha dhexe ee ka caban jiray Morgankii hore maxaa keenay inay afka ka xidhaan kan mise arrinkeenu wuxuu ahaa reer hebel reer hebel ku bedel waa yaabe

Baashe Morgan wuxuu yahay safiirka Somaliland ee u fadhiya UAE la soco oo qarankan Somaliland ee sida kubada loogu ciyaarayo maaha mid ictiraaf ka haysta dal qudha oo caalamiya haseyeeshee bulshadu wax dhib ah umay arkin in uu Siilaanyo safaarad u dhiibto inanka inantiisa qaba welibana gacanta u geliyo awood dheeraada siiyana saxeex uu ku galo heshiisyo aan soo marin barlamaanka Somaliland oo isaga laftiisu noqday kii afweyne oo kale ee shaanbada la dhici jiray wax walba

Aynu ku yara hakano barlamaankan fadhiidhka noqday ee fadhiya 12 sandood bilaa doorasho maaha mid ka turjumaya rabitaanka shacabka ee waa calooshood u shaqaystayaal ka taliya danahooda gaarka ah in yar mooye waxay si duuduub ah u ansixiyaan mooshin kasta oo ay dabada ka riixayso dowlad xiligeedi dhamaaday oo boobaysa qaranka ay shacabku u doorteen inay ku ilaaliyaan dastuurka Somaliland

Waxaa iyana ah aafo ku habsatay qarankan ah golaha Guurtida oo leexday wadadii ay u jeexeen Sheikh Ibraahim imikana fadhiya labaatan sano halka oday looga dhigay oday aan masuul ahayn oo hore qarankan danbi uga galay waa Saleebaan Gaal’e odaygaasi waa sideetan jir aan xalaal aqoon oo ku fadhiya kursi lagu sooray beeshiisa doorashadii uu waayay Siilaanyo ka dib si loo tuso in qarankan la wada leeyahay laakinse muu garan oo sidii horeba u caado ahayd wuxuu kursiga u adeegsaday taageerida danaha beeshiisa iyo madaxweyneha ay isku beesha yihiin halkuu eebe uga biqi lahaa isaga oo d’a ah maantana weli sii fadhiya kursi uu badi kaga maqanyahay safar dibedeed siiba ingiriiska oo uu deganyahay ugana soo dhoofo oo kaliya mooshinada inanka uu adeerka u yahay dabada ka riiso Baashe Morgan iyo mudo kordhinta inaadeerkii Siilaanyo horaan uga hadlay masiibada ay keeni karto laba shakhsi oo isku beel ah oo isku haysta labada kursi ee ugu weyn dalka waayo xeerka Garadag iyo distuurka Somaliland waxaa Saleebaan iyo Siilaanyo la weyn xeerkii Garadag

Gebogebo lacagta lagu kireeyay saldhiga Berbera ninkii caqli leh wuu garanayaa inay ka badantahay inta la sheegayo lacagtaasina jeebada u gelayso kooxdan dhiigmiiratada ah shacabkana shilin kama soo gaadhayo golihii qaranku lahaa waxey ku soo uruureen gacmo tirsan oo magac wadaaga kii barlamaan ahaana arinkiiso waa imisaad bixinaysaan halka ay qoladii barlamaanka Somalia garteen dantooda doorteena shakhsi ay iyagu u arkaan mid wadi kara waxaa muuqata inay Somaliland dib ugu noqotay wixii ay Somalia ka ilbaxday

Talo ku socota xisbiga Wadani iyo Gud Cirro

Ma jirto doorasho xor oo xalaal ah oo laga sugi karo kooxdan sababo jira awgood

1. Gudoomiyaha Kulmiye waa mudeec u jajaban danta kooxdan oo ay sii adeegsan karto haduu kursiga ugu fadhiisto si aanay heshiisyadan ay tahriibinayaan u biiqin

2. Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal oo nin reer noqday dhinacna u batay

3. Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo ay Aamino Weris keensatay eedo rumana u tahay maaha mid dhex dhexaad noqon kara isna

4. Golihii shacabka labo barlamaan oo calooshood u shaqaystayaal u badan

5. Lacagta qaranka oo loo isticmaalo laaluush iyo handadaad iyo askar

Nabadeey

Daahir Sancaani
dsancaani88@gmail.com

COMMENTS
Latest News