SomalilandTomorrow.com
Gabay Abwaan Qassim tiriyey 1969 oo ku qotoma dowladan maanta joogta
July 19, 2017 - Written by adan caydiid

Abwaan Axmed Ismail Deria ( Qassim ) ayaa 1969 ka biya diiday dowladii Abdirasheed iyo ina Egal hogaanka u haayeen. Dabeed wuxuu tiriyey gabaygan soo socda sidii uu u sheegayana way u dhacday oo isla sanadkii 1969 waatii inqilaabka lagaga qaaday xukunkii. Markaad akhrisato wax yaabo badan oo saldhiga Berbera ee la sahamiyey ee caamadu moodeeyso curasho deyreyd baa kaaga soo baxaya. Allow kuu naxariiso Abwaan Qassim. Kol hadii abwaanadii maanta noolaa ka caajiseen inay soo rogtaan gabayo til-maamya maamulka Silaanyo ee buray waa xaq in la soo qaato gabayadii hore ee abwaanadu tiriyeen. Waagii kacaanki Siyad Barre ragga ay ka mid yihiin Abdi Qeys, Hadraawi iyo cali Sugule waxay xabsiga ku geli jireen gabayo ay kacaanka u tiriyeen oo qeyb weyn bay ka qaateen ka hor imaadkii Siyad Barre. Culimadii waagaa iyagana waatii tiirka lagu toogtay marky daaquudkii dalka heystay ka hor yimaadeen ee ay diideen in ragga iyo dumarku simanyiin… Hadaba culimada reer Somaliland xataa waxay ka hadli kari waayeen dagaalka lagu soo wado Somaliland ee Yemen ka socda. Sidaa darteed rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi ee ku soo dhawow gabaygan oo dhuux sida aannu u dhiman ee uu weli u noolyay.

Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara’e
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo’e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabasha-doodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal’e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koray buu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
Caloolyow aan kugu raagi hayn ciidda haw qodin’e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

Abdi Mustaf
Abmustafe123@gmail.com

COMMENTS
Latest News