SomalilandTomorrow.com
Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Weriye Ka Tirsan Kalsan Tv
April 12, 2017 - Written by adan caydiid

Hargeysa(SLT)Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xalay fiidkii xabsiga u taxaabay wariye Cabdiraxmaan Carab Daa’uud oo ka tirsanaa bahda Tvga Kalsan Iyo Weliba  Warbaahinta Hangoolnews ee ka hawl-gashada magaalada Hargeysa.

Ma jiraan warar amuurtan la xidhiidha oo ka soo baxay dhanka ciidamada balse sida ay noo xaqiijiyeen suxufiyiin kale oo ka ag-dhawaa markii ay ciidamadu xidhayeen, ayaa sheegaya in ciidamo aad u tira badani ay wariyahan ugu soo daateen xafiiskiisa oo ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa isla mar ahaantaana ay sidaasi ku xidheen iyaga oo sida oo kale na la wareegay guud ahaan xafiiskii warbaahinta Hangoolnews.
Warbaahinta Heegannews oo wariyeyaashii goobtaas ku sugnaa wax ka weydiisay cidda loo aaneynaayo iyo weli ba sababta keentat xadhiga wariye Cabdiraxmaan Carab Daa’uud, ayaa sheegay in taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan uu soo bixiyey amarka lagu xidhay wariyahaasi iyaga oo sababta xadhigiisa na la xidhiidhiyey uun warar ay warbaahinta Hangoolnews ka qortay taliyahaasi.

COMMENTS
Latest News