SomalilandTomorrow.com
Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Culimo Dhawaan Hargeysa Kaga Dhawaaqey Urur Diimeed
April 11, 2017 - Written by adan caydiid

Hargeysa(SLT):-Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay saddex ka mid ah niman dhawaan Hargeysa kaga dhawaaqey urur diimeed ay sheegeen in magaciisa la yidhaahdo Assaadicuuna Bil-Xaq oo qeyb ka ah urur wadamo badan oo islaam ah laga ga dhawaaqey maalmo ka hor. Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Fadal oo arrimahaas u xaqiijiyey Warbaahinta, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhiggeen saddex ka mid ah raggaasi isla mar ahaantaana ay weli ciidamada Boolisku ku jiraan hawl-galo ay ku soo qab-qabanayaan raggaas Hargeysa kaga dhawaaqey urur diimeedkaasi oo uu sheegay in uu yahay mid khatar ku ah nabad-gelyada Somaliland.

“Sida aad la socoteen waxa ay dhawaan ay koox wadaado ahi caasimadda Hargeysa kaga dhawaaqeen urur ay magaciisa ku sheegeen Asaadicuuna Bil-Xaq, kaas oo ahaa qeyral sharci oo aan sharci ahayn khatar na ku ah nabad-gelyada qaranka iyo ta bulshada reer Somaliland, intaa ka dib na ciidamada Booliska Somaliland waxa ay galeen hawl-gal ballaadhan, waxaana ay shalay illaa xalay ay ku jireen hawl-gallo ballaadhan, waxaana ay gacanta ku soo dhiggeen saddex xubnood oo ka mid ah xubanahii ururkaas ku dhawaaqay.”.Ayuu yidhi Taliye Fadal

COMMENTS
Latest News