SomalilandTomorrow.com
Ciidamada Booliska Somaliland oo Hada Xabsiga u Taxaabay Guddoomiyahii Dhallinyarada iyo Xoghayahii Ciyaaraha ee WADDANI
April 11, 2017 - Written by adan caydiid

Hargeysa(SLT):-Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa goor dhaweyd xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa u taxaabay Xoghayahii Ciyaaraha Xisbiga WADDANI Md.Yoonis Axmed Yoonis iyo weli ba sida oo kale guddoomayahii garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi Dhamme oo ku sugnaa xarunta gobalka ee xisbiga WADDANI uu ku lee yahay magaalada Hargeysa.

Xadhiga labadan sarkaal ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay ka hadleen isla mar ahaantaana ay si adag u cambaareeyeen dhismeyaal ka soo horjeeday guri ay dhisatay Marwada Madaxweynaha Somaliland oo ay u adeegsatay cagafyo isla mar ahaantaana iyada oo adeegsanaysa awood dawladdeed ay burburisay deyrarkii guryahaasi si ay hoteelkaas ugu hesho Baarkin ay u isticmaalaan dadka adeegsanaya hotelkaasi, waxaana isla markii ba labaddaas sarkaal ka wareegay ciidamo aad u tira badan oo wakhti xaadirkan u taxaabay xabsiga dhaxe ee Hargeysa.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in ciidamada Booliska Somaliland ay iyaga na xabsiga dhigeen tiro saxafiyiin ah oo iyagu na halkaas ku sugnaa kuwaasi oo tebinaayey muharaado ay dadkii guryahaas lahaa kaga soo horjeedeen dhismayaashooda la burburinaayo ee loo adeegsanaayo shaadhka dawladda iyo awooda ciidamada Booliska Somaliland.

 

COMMENTS
Latest News