SomalilandTomorrow.com
Ra`iisul wasaare ku xigeenka cusub ee Soomaaliya oo si rasmi ah xilka ula wareegay
April 8, 2017 - Written by adan caydiid
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Mudane, Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho xilkii kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Mudane, Maxamed Cumar Carteh Qaalib.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado.
Mudane, Maxamed Cumar Carteh ayaa Intaa Kadib ku wareejiyey Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub Xilka isagoona u rajeeyey inuu ku guulaysan doono howlaha horyaala, maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arimaha Soomaaliya ka Jira.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isagana xil wareejinta kadib, u mahadceliyey Ra’iisul Wasaarihii xilka uga horeeyey, wuxuuna kula dar-daarmay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’addaha dawladdu inay gacan buuxda lagu siiyo sidii uu waajibaadkiisa shaqo u gudan lahaa.

COMMENTS
Latest News