SomalilandTomorrow.com
Mid Ka Mid Ah Madaxda Africa Oo Dawlladiisa Raysal Wasaare Cusub U Magacaabay
April 8, 2017 - Written by adan caydiid

Congo (SLT):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Kongo, Joseph Kabila, ayaa u

magacaabay Bruno Tshibala inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dawladda awood wadaagga ah.

Image may contain: 1 person, standing, suit and flower

 

Mr Tshibala ayaa dalka hogaamin doona ilaa iyo inta laga qabanayo doorashada madaxweynaha, dabayaaqada sannadkan.

 

Waxaa bishii hore laga eryey xisbiga mucaaradka ee dalka ugu weyn, UDPS, ka dib markii uu u tartamay inuu noqdo qofki beddeli lahaa hogaamiyihii ruugcadaaga ahaa, Etienne Tshisekedi, oo dhintay bishii Febraayo.

Wariyeyaashu waxay sheegayaan in magacaabista Mr Tshibala ay sii fogeynayso kala qaybsanaanta mucaaradka Mr Kabila, ka dib markii uu burburay wadaxaajood ku saabsanaa sidii uu awoodda u wareejin lahaa todobaadkii hore.

COMMENTS
Latest News