SomalilandTomorrow.com
Danjire Keating : Soomaaliland wali caalamku wuxuu u aqoonsan yahay qeyb ka mid ah Soomaaliya
April 8, 2017 - Written by adan caydiid

Danjiraha Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa isaga oo u sugan magaalada Hargeysa oo dhawaan uu booqasho ku tagay ka hadlay aragtida uu ka qabo gooni isku taaga Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay danjire Keating in beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika wali u arkaan Soomaaliland in ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

“Annigoo wakiil ka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ma ahi kan go’aaminaya sharciyada Soomaaliland,beesha caalamka um aqoonsana dal madax banaan,waxayna u aqoonsanyihiin qayb ka mid ah Soomaaliya”. ayuu yiri Michael Keating.

COMMENTS
Latest News