SomalilandTomorrow.com
CR7 Oo Noqday Xiddiga Isboorti Ee Ugu Taageerayaasha Badan Twitter & Instagram Iyadoo 10ka Ugu Sareeya Ay Qabsadeen Xiddigaha K/Cagta
March 12, 2017 - Written by eng Maxamed Cabdi

Cristiano Ronaldo ayaa durbaba dhowr jeer loo caleemo saaray xiddiga ugu fiican dunida, waxa uu sidoo kale noqday xiddiga ugu sareeya isboortiga ee dhanka baraha bulshada.http://www.laacibnet.net/wp-content/uploads/2017/03/

Xiddiga Real Madrid ayaa in ka badan 140 milyan taageerayaal ah ku leh isku darka baraha bulshada ee Twitter iyo Instagram, isagoo ka horeeya xiddig walba oo ciyaara isboorti dhan walba uu ahaado oo caalamka ah.

10ka xiddig isboorti ee ugu taageerayaasha badan baraha bulshada ee Twitter iyo Instagram waxaa sagaal ka mid ah ay yihiin xiddigo ciyaara kubada cagta, halka xiddiga kale ee ciyaara isboorti kale ee ku dhex jira uu yahay xiddiga kubada Kolayga LeBron James.

Sababta loo qiimeeyay Twitter iyo Instagram kaliya ayaa ah in inta badan xiddigaha isboortiga adduunka ay akoono ku leeyihiin barahaan bulshada marka loo eego Facebook oo xiddigaha qaar kaliya ay ku leeyihiin.

Ronaldo waxaa ku soo xiga xiddiga Barcelona Neymar kaasoo wadar ahaan labadaan bar ee bulsho ku leh in ka badan 97 milyan taageerayaal ah, Lionel Messi ayaa ku xiga kaasoo 66 milyan taageerayaal ah ku leh Instagram laakiin xiddiga Barcelona iyo Argentina ma lahan akoon Twitter ah.

10. Zlatan Ibrahimovic – Twitter: 4.36m / Instagram: 23.2m (Wadar ahaan: 27.5 milyan)

9. Luis Suarez – Twitter: 8.8m / Instagram: 20.5m (Wadar ahaan: 29.3 milyan)

8. Andres Iniesta – Twitter: 15.3m / Instagram 16.6m (Wadar ahaan: 31.9 milyan)

7. Ronaldinho – Twitter: 14.3m / Instagram: 20.7m (Wadar ahaan: 35 milyan)

6. Gareth Bale – Twitter: 11.3m / Instagram: 27.2m (Wadar ahaan: 38.5 milyan)

5. James Rodriguez – Twitter: 12m / Instagram: 29.3m (Wadar ahaan: 41.3 milyan)

4. LeBron James – Twitter: 34.4m / Instagram: 28.6m (Wadar ahaan: 63 milyan)

3. Lionel Messi – Twitter: Eber / Instagram: 66.1 milyan

2. Neymar – Twitter: 27.6m / Instagram: 69.6m (Wadar ahaan: 97.2 milyan)

1. Cristiano Ronaldo – Twitter: 50.5m / Instagram: 93.4m (Wadar ahaan: 143.9 milyan)

COMMENTS
Latest News