SomalilandTomorrow.com
Taariikh Kooban oo kusaabsan Halgankii Boqor Magaadle (Cumar walasmac).
February 7, 2017 - Written by adan caydiid

Boqor Magaadle (Cumar Walasmac) AHUN wuxuu ahaa boqorkii ugu horeeyay Ee Magaadle ee aasaasay dawladihii 7da ahaa ee soomaalida ee islaamiga ahaa, Boqor magaaadle wxuu ahaa aasaasihii ama gundhigii dawladii 1aad ee ugu horeysay 7da dawladood waxayna ahayd dawladaii la odhan jiray IFFAD sida ku cad taariikhda fog ee laga soo waariday halgankii Boqor Magaadle. Boqor Magaadle ama sida dadka qaar uyaqaaniin Cumar walasmac wuxuu xamladiisa kazoo bilaabay dhulweynaha majeerteeniya taasoo uu ku xoreynayay geyiga soomalida oo wakhtigaas loo yaqiinay ardul xabash, Boqorku wuxuuu xarun ka dhigtay xeebaha wareegsan ee Boosaaso ilaa Berbera inta u dhexaysa iyo silsilada Buuraleyda teedsan ee Golis. Qarnigii 11aad oo ku began 1270 taariikhda miilaadiga ayuu sitoos ah boqorku ula wareegay dhulbadan oo kamid ah bariga afrika, Qalcadihii ama xarumihiisii ciidanka ee boqorku waxay teedsanaaayeen lagasoo bilaabo HERER ilaa Buurta Daallo ee dhacda Cidhifka waqooyi ee Gobolka sanaag oo ay ka mid ahaayeen goobaha taariikhiga ah sida Goobshir oo ahayd xarun muhiimad gaar ah ulahaa dulaankii boqorka,meelaha lagu yaqaan raadkii ama asaarti Boqor Magaadle (Cumar Walascmac) AHUN ee ku yaala gobolka sanaag waxaa sidoo ksle ka mid ah Masaleh Magaadle oo qiyaastii dhacda dooxo layidhahdo Midhashah oo waqooyi bari ka xigta magaalada ceerigaabo,waxaa kale oo ka mid ah ah Goobta loo yaqaano hasha Cagteda oo iyaduna ku taal soonaha buurta Daallo waa goob logu magic daray hashii Boqorka markii ay ku dul istaagtay Dhagax salaxa oo weyn kadib ay kasiibatay isla markaana uu ku sawirmay cagtii hashu sidaana ay kula magac baxday hasha cagteeda mudo iminka laga joogo 700 oo sanno, waxa sidoo kale ka mid ah goobahaas taariikhiga ah waadiga dhulka hoostiisa ku yaal oo dhaca soonaha degaanka kulmiye ee waqooyi bariga sanaag waana goobtii uu cidanka boqorku saadka dhigan jirya qaybtiisa waqooyi, waa goob laga soo galo albaab yar hoostiisuna waa goob waadiyal iyo beero fara badan ku yeelaan, sido kale deegaankaas waxa ku yeela goobo farabdan oo uu boqor Magaadle ku can baxay. Isla qarnigaa 1270 bqor ku wuxuu diyaariyay guluf balaadhan oo aan cidina hor istaagi karin, ciidankaas oo uu ku waajahay qoomiyadihii gaalada ahaa ee wadanka duulaanka ku haystay hoosna tegeyay boqortooyadii Abaasiinia, Boqor Magaadle wuxuu ku gala bixiyay dagaal cidii ka hortimaada ama qaadan weysay diinta islaamka sida quruumihii ay ka mid ka ahaayen Algala ama Tigree iyo Amhara iyo Ajeeraa kadib duulaaanki boqorka waxa soo islaamay dad badan oo gaalo ahaa taageerayaala u noqday boqorka. Boqorka ujeedadisa duulaanku waxay ahayd in la quweeyo diinta islaamka dadkuna ALLAH keligiis caabudaan sharcigana la oogo. Boqor Magaadle wuxuu dagaalo ba’an oo qadhaadh ku qaaday boqortooyadii abaasinia oo xukumi jirtey ilaa badda cas Boqor Magaadle mudo kooban gudaheed ayuu guulo badan ku gaadhay wuxu sifudud kula wareegay dhul balaaran oo ay xukumi jirtey boqortooyadii gala-warenleydu ilaa uu dhaafiyay magaalada hada loo yaqaano Addis-Ababa oo markii hore la odhan jiray ama loo yaqiiney Madiinatu Sahra, markii boqork Magaadle dhul badan ka xoreeyay gaalada waxay ku beegnayd aasaaskii dawladii Ifaad oo sidaan hore kusoo sheegnayba kamid ahayd dawladihii laysku odhan jiray (Sabca Al Imbradoriyat Al Islamiyah Asoomaliyah) oo la micno ah todabadi boqortooyo ee islamiga ahaa ee soomaliyah. Dawladii loo yaqiiney dawlatu Al Ifaat sida taariikhda lagu soo weriyay caasimadeedu waxay ku taaley meel u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera oo ah mesha uu hada ku aasan yahay Aw-Barkhadle oo la odhan jirey Sh- Yuusuf Alkowneyn AHUN oo ahaa Boqor Magaadle awoowgiis, dawladii IFaad waxay ahayd dawladihii barwaaqada u horseeday umaddi islaamka ahayd ee gaaladu haysatay waxayna ka tuurtay heeryadii gaalada Abasinia, ifaat waxa macne ahaan ay u taagneyd tii wax iftiiminaysay oo uamadda dhaxalsiisay amni iyo barwaqo. Kadib duulimaadyo dhawr ah oo uu Boqor Magaadle ku qaaday dawlaadihii is huwaanaa ee gaalada ahaa waxay markii dambe kala saxeexdeen heshiis qorayay in dagaalaka la joojiyo oo aan lasyku duulin taasina waxay dhaxalsiisay dadkii ku hoosjiray xukunka Boqor Magaadle in ay siniyad sami ah oo nabad ah ku noolaadan waxaa sidoo kale iyaguna ka faaiday heshiiskaas dadkii tira badnaa ee kusoo islaamay gacanta Boqorka iyo dawladiisii ifaad ee uu hormoodka ka ahaa waxay dadkaasina ubadnaayeen dadka kasoo jeeda gobolka loo yaqaano Oromiyah ee kulaalaya Caasimada itoobiya. Boqor Magaadle (Cumar Walasmac) wuxuu carhsiga fadhiyay ama uu xkunka hogaaminayey dawladii Ifaat mudo ku siman 70 sanno, markii uu boqorku da’diisu sii weynatayna wuxuu boqorku carruurtisa oo ahayd 150 ka dhex doortay 40 kamid ah inamadiisa wxuuna kasii dhex doortay 4 kamid ah inamadiisa oo midba wakhtigiisii boqortooyadi hogaanka u qabtay waxayna kala ahaayeen sidatan Sacaadudiin Binu Cumar (Almaakhiry) waana amiirkii loogu magacdaray jasiirada caanka ah eek u taala bada cas ee sacaadudiin, waxayna ahayd goob uu ka dhigan jiray dhufays kadib markii uu dib u bilabay dagaalkii abaasinia. Amiirkii labaad wuxuu ahaa Sabrudiin Binu Cumar, Amiirkii saddexaadna wuxuu ahaa Xaqudiin Binu Cumar, Amiirkii Afraadna waa Basi Binu Cumar, waxaa kasii dambeeyay oo xukunkii boqortooyada kala wareegay amiiro kale oo tiro badan ilaa laga soo gaadho Amiir Nuuru-diin. Boqor-Magaadle AHUN markii uu geeriyooday waxaa xukunka ugasii dambeyay inamadiisii iyo amiiro kale oo iyaga kasii dhaxlay xukunkii boqortooyada, boqortooyadii uu Boqor Magaadle aas-aasayna waxay sii jirtay isaga dabadii mudo ku dhow 600 sanno amiiradii kale ee caanka ka ahaa Boqortooyadii Magaadle waxaa ka mid ahaa Al Imaam Axmed Binu Ibraahiim, oo dadku u yaqaaniin Axmed Gurey iyo Al Imaam Cali Ibnu Abii Daa’uud iyo amiiro kale oo tiro badan oo caan ka ahaa geeska Afirka. La soco qaybaha dambe ….. Qalinkii Hanad Abdi.

COMMENTS
Latest News