SomalilandTomorrow.com
Man United Oo King Power Stadium Ku Soo Dubatay Leicester City, Red Devils Oo Sare U Soo Qaaday Himigeeda Kaalinta Afraad Ee PL Iyo Saddex Xidig Oo United Ah Oo Shabaqa Soo Taabtay.
February 5, 2017 - Written by eng Maxamed Cabdi

Manchester Unied ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Leicester City oo ay King Power Stadium ku soo dubatay waxayna kooxda Mourinho sare u soo qaaday hamigeeda ah in ay ugu yaraan kaalinta afraad ku dhamaysan karto xili ciyaareedkan. Re Devils ayaa wali baaqi ku sii ahaan doonta kaalinta ay xili ciyaareedkan inta ugu badan ku soo qaadatay ee lixaad laakiin waxay hal dhibic u soo jirsatay Liverpool oo kaalinta shanaad u soo dhacday.

Waxaa Manchester United guushan ku soo hogaamiyay Henrikh Mkhitaryan , Zlatan Ibrahimović iyo Juan Mata oo min hal gool dhaliyay waxayna Leicester City la kulantay guuldaro kale oo cabsi wayn ku abuuraysay  in ay heerka labaad u laabtaan iyaga oo ah kooxda koobka Premier leaque-ga haysata.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

LEICESTER CITY (4-4-2): Schmeichel; Simpson, Huth, Morgan, Fuchs; Mahrez, Drinkwater, Ndidi, Musa; Vardy, Okazaki.

KAYDKA:Chilwell, King, Albrighton, Kapustka, Zieler, Gray, Benalouane.

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Rojo; Herrera, Pogba; Mkhitaryan, Mata, Rashford; Ibrahimovic.

KAYDKA: Martial, Lingard, Carrick, Blind, Young, Romero, Fellaini.

Manchester United ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo maanka ku haysay in ay 17 dhibcood ka hoosaysay kooxda hogaanka Premier Leaque-ga haysa ee Chelsea laakiin hogamiga Mourinho ayaa ahaa in uu ka faa’iidaysto xaalad xun ee ay ku jiraan kooxaha Liverpool iyo Arsenal, wuxuuna doonayay in uu ku soo dhawaado kaalmaha sare inkasta oo uu ogaa in wali kooxdiisu ay baaqiku sii ahaanayso kaalinta lixaad xataa haddii ay gool wayn soo gaadho.

Manchester United ayaa qaybtii h–e ee kulankan ahayd kooxda waxkasta garoonka ka samaysay waxayna dhibaato badan ku abuurtay kooxda koobka Premier Leaque-ga haysata ee Leicester City oo xili ciyaareedkan ka dagaalamaysa in ay heerka labaad u dhacdo kadib kulamo badan oo ay soo guuldaraystay.

DAQIIQADII 42 AAD GOOOOOOOOOL! Kadib markii ay Manchester United waqti dheer soo raadinaysay goolka furitaanka isla markaana ayay ugu danbayn heshay goolka ay dhibaatada wayn ugu abuurtay kooxda martida loo ahaa ee Leicester City waxaana goolkan Red Devils u saxiixay Henrikh Mkhitaryan iyada oo Huth uu qalad xun sameeyay halka Mkhitaryan uu si fiican u garaacay Morgan ka hor intii aanu si fiican kubbada u dhamaystirin waxaana caawinta goolkan sameeyay Chris Smalling iyada oo ciyaartu noqotay 1:0 ay Man United hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 44 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Laba daqiiqo oo kaliya in kar kadib markii ay Red Devils heshay goolkeeda furitaanka ayuu markale  Zlatan Ibrahimović u keenay goolka labaad ee Mourinho iyo kooxdiisa niyada u dejiyay wuxuuna Ibrahimovic dhaliyay gool qurux badan oo uu ku dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Antonio Valencia, waxayna si deg deg ah ciyaartu u noqotay 2:0 ay Man Untied hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Manchester United ayay farxad wayn u ahayd in ay waqtigii nashada baxday iyada oo laba gool ciyaarta ku hogaaminaysay halka Leicester City ay ku ahayd waran xanuun badan, waxaana lagu kala nastay 2:0 ay Red Devils gacanta sare ku lahayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta tababaraha kooxda Leicester City ayaa shaxdiisa laba isbadal oo deg deg ah ku sameeyay wuxuuna ciyaaarta ka saaray Ahmed Musa iyo Shinji Okazaki oo awoodi waayay in ay dhibaato ku abuuraan difaaca United wuxuuna kaydka uga yeedhay Demarai Gray  iyo Andy King, laakiin Man United ayaa sii ahayd kooxda goolal kale laga filan karayay.

DAQIIQADII 49 AAD GOOOOOOOOOOL! Manchester United ayaa ciyaarta hurdada u dirtay waxayna geed dheer dusha ka saartay hamigii Foxes ee ahaa in ay ciyaarta dib ugu soo laabtaan kadib markii gool si cajiib ah looga soo shaqeeyay dhaliyay Juan Manuel Mata kaas oo kubbad caawin ka helay Henrikh Mkhitaryan wuxuuna xidiga ree Spain ahaa xidiga markaba horeba kubbada sii dhiibtay ee orodka sii watay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:0 bilaa jawaab ay Red Devils ku dhibaataynayso Leicester City.

Henrikh Mkhitaryan, Juan Mata iyo Ander Herrera ayaa si qurux badan oo aad isku fahmaysa khadka dhexe ilaa weerarka uga ciyaarayay si ay kooxdooda u siiyaan awooda sare, waxayna soo bandhigeen qaab ciyaareed ay ugu riyaaqeen jamaahiirta Red Devils iyo Mourinho laftiisu.

DAQIIQADII 62 AAD Man United ayaa si cad ugu muuqatay in ay heshay goolkeeda afraad kadib markii Juan Mata iyo goolhayaha Leicester City ee Schmeichel ay kali isku noqdeen laakiin si ka duwan qaabkii uu Mata ku dhaliyay goolkii saddexaad ee United ayuu awoodi waayay in kaliya uu kubbad dhaafiyo goolhaye Schmeichel oo uu kalidii kubbada la soo horgoosaday!!!!!!.

Ciyaarta ayaa noqotay mid lagu kala calaf qaaday isla markaana ay United isku hubsaday saddexda dhibcood ee xili ciyaareedkeeda muhiimka u ah, waxayna sidoo kale Man United  iska lumisay fursado fiican oo ay goolasha ku sii badsan kartay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:0 ay Manchester United ku soo dubatay kooxda koobka Premier leaque-ga haysta ee xili ciyaareedkan sida wayn u dhibtoonaysa ee Leicester City oo hadda laga bilaabo wajahaysa cabsi ah in ay heerka labaad ulaabto. Foxes oo aduunka iyo Premier leaque-ga xili ciyaareedkii h–e ka yaabsatay ayaa awoodi wayday in ay wax iska caabin fiican ah kaa hortimaado kooxda Mourinho ee Red Devils oo hal dhibic u soo jirsatay kaalinta shanaad ee oo ay Liverpool ku soo dhacday.

COMMENTS
Latest News