SomalilandTomorrow.com
RASMi: Frank Lampard Oo Ku Dhawaaqay Inuu Isaga Fariistay Gabi Ahaanba Kubada Cagta
February 2, 2017 - Written by eng Maxamed Cabdi

Halyeeyga kooxda kubada cagta Chelsea iyo kubada ingiriiska, Frank Lampard, ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay gabi ahaabna ciyaaraha kubada cagta.

Bayaankaan uu soo saaray Super Frank Lampard oo aad u dheeraa ayaa ahaa “Kadib 21 sano oo aan la rumeysan karin, waxaan go’aansaday in haatan ay tahay waqtigii ugu haboonaa si aan u soo gabogabeeyo waayaheyga xirfadlenimo ee kubada cagta, inkastoo aan helay tiro dalabyo xiiso leh oo aan ka helay gudaha iyi dibada si aan u si aan u sii wado ciyaarista, da’da 38 waxaan dareemayaa iney tahay waqtiga ku haboon bilaabista waji cusub oo nolosheyda ah, waxan si aanan caadi aheyn ugu faanayaa inaan wadankeyga matalay in ka badan 100 jeer iyo inaan dhaliyay in ka badan 300 oo gool”.

“Goolasha uu dhaliyay Frank Lampard”

“Waxaa jira dad badna oo ay tahay inaan u mahadceliyo, waxaan u mahadcelinayaa waalidkeyga ee igu barbaarayay qiimeynta shaqada adag, huritaanka iyo xirfadlenimo, taasoo aan xambaarsanaa waqti waliba oo aan rabay inaan wax qabto”.

“Waxaan aad uga mahadcelinayaa qoyskeyga taageeradii buuxday ee ay i siiyeen, xaaskeyga Christine iyo labadeyda Luna iyo Isla. wixii aad igu sii seen banaanka garoonka ayaa marwaliba ahaa quwada aan isticmaalo, aad ayaan idiin jeclahay, saaxiibadeyda iyo kooxdeyda khaaska ah ee marwaliba i garab taagnaa, waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo saaxiibadeydii kooxaha ee cajiibka ahaa, tababareyaashii, macalimiintii iyo shaqaalihii qolka tababarka ee aan nasiibka ku lahaa inaan la shaqeeyo”.

“Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan si gaar ah dareen u siiyo kooxihii aan soo matalay, ugu horeyn West Ham United oo i siisay fursadii aan kulankeygi ugu horeyay ku saftay 1996. waxaa mahdsan dadkii halkaasi joogay ee i aaminay anigoo sidaasi u yar, iyo kuwii ugu danbeeyay ee Manchester City iyo NYCFC, si weyn ayaan ugu raaxeystay inaan sanadiheygi ugu danbeeyay ee ciyaaraheyga ku qaatay kooxahaas, waxaan u riyaaqay taageeradii aan ka helay guruubka kubada cagta City iyo taageerada labada kooxba”

“Dabcan, qeybta ugu weyn ee wadnaheyga waxaa leh Chelsea,  koox isiisay xusuuso waa weyn,  marna ma iloobi doono fursadihii ay i siiyeen iyo guulihiin aan wada garaanay si wadajir ah,  marna suurogal ma ahan inaan si gaar ah qof ugu magadceliyo maadaama ay si buuxdo ii garab istaageen iina taageerayeen 13 sano oo aan halkaas ka ciyaarayay, waxa dhan ee aan dhihi karaa waa min maalintii aan imid ilaa haatan inaan horay u socono, waxaan si xad dhaaf ah ugu mahadcelinayaa wax waliba iyo qf waliba, taageerayaasha Chelsea waxay siiyeen nafteyda iyi tan saaxibadeyda kooxda taageero aanan caadi aheyn, jaceylkooda iyo baahidooda ayaa igu qasabtay inaan shaqsiyan siiyo waxa igu wanaagsan sanadba sanadkiisa, ma aanan sameyn laheyn iyaga la’aantood”.

“Waxaan sugi la’ahay inaan ugu mahadceliyo xiriirka kubada cagta ingiriiska fursad ay ii siiyeen inaan daraaseeyo tayadeyda tababarenimo, waxaan sugi la’ahay inaan ceersado fursadaheyga garoonka banaanka ah ee go’aankeyga furaya”. forward to pursuing the off-field opportunities that this decision opens.

COMMENTS
Latest News