SomalilandTomorrow.com
Oroyahanka Usain Bolt Iyo Kooxdii Dalkiisa Jamaica Oo Laga Xayuubiyay Biladiihii Dahabka Ahaa Ee Ciyaarihii Olimbikada Beijing Olympics 2008 Iyo Sababta Looga Qaaday.
January 25, 2017 - Written by eng Maxamed Cabdi

Orodyahanka ree Jamaica ee Usain Bolt iyo kooxdii dalkiisa ordaysay ciyaarihii olimbikada aduunka ee sanadkii 2008 kii lagu qabtay magaalda  Beijing ee dalka Shiinaha ayaa laga xayuubiyay waxaana laga soo celiyay dhamaan shahaadooyinkii iyo biladii dahabka ahayd ee ay ku gulaysteen kadib markii dib loo baadhay isla markaana la qaqiijiyay in isticmaaleen daawooyinka mamnuuca ka ah ciyaartoyda caalamka.

Laga bilaabo maanta Usain Bolt ayaan noqon doonin ciyaartoy ku bilada dahabka ah ee Olimbiyada aduunka ku guulaystay saddex waxaana laga qaaday isla markaana uu qiray in uu soo celinayo biladii dahabka ahayd ee uu ugu so guulaystay 2008 Beijing Olympics inkasta oo uu murugo ka muujiyay.

Kooxda Jamaica u ordaysay sanadkii 2008 kii ayaa bilada dahabka ah ee 4x100m ugu guulaystay garoonka 2008 Beijing Olympics laakiin xarunta Nesta Carter ayaa dib u baadhay tijaabooyinkii iyo baadhitaanadii ay mareen oroyahanada ree Jamaica waxaana laga helay daawooyin aduunka laga mamnuucay taas oo keentay in si rasmi ah looga soo celiyay abaal marinihii ay ku guulaysteen.

Usain Bolt oo 31 sano jir ah ayaa lagu helay in uu sameeyay khiyaano daawooyin mamnuuc ka ah orodyahanada iyada oo dhaman afarti nin ee Jamaica ka socday ay lumiyeen biladihii ay ku guulaysteen. Usain Bolt ayaa markii baadhitaanka lagu waday arintan sheegay in qalbijab ay tahay in uu lumiyo mid ka mid ah biladihiisii dahabka ahaa ee ugu soo guulaystay ciyaaraha olimbikada aduunka. Usain Bolt ayaa bilada dahabka ah ee ciyaaraha olimbikada aduunka ugu soo guulaystay 2008 Beijing,  2012 London iyo 2016 Rio laakiin waxaa hadda meesha laga saaray biladii dahabka ahayd ee 2008 Beijing.

COMMENTS
Latest News