SomalilandTomorrow.com
Real Madrid Oo U Soo Baxday Sideed Dhamaadka Copa Del Rey, Los Blancos Oo Taariikh Cusub U Dhigtay Kubbada Cagta Spain Iyo Kooxda Zidane Oo Dirqi Kaga Badbaaday Guularo Sevilla Ka Soo Gaadhi Lahayd.
January 13, 2017 - Written by eng Maxamed Cabdi

Real Madrid ayaa u soo baxday sideed dhamaadka Copa Del Rey kadib markii ay ka soo gudubtay imtixaankii kooxda Sevilla. Real Madrid ayaa toban daqiiqo ku keensatay laba gool si ay Sevilla uga horjoogsato guul ay ku samri lahayd kadib markii ay macasalaamaysay Copa Del Rey iyada oo 3:1 hogaanka ciyaarta ku haysay laakiin laba gool oo ay kala dhaliyeen Ramos iyo Benzema ayaa Los Blancos ka caawiyay in ay taariikh cusub u dhigaan kubbada cagta Spain iyaga oo kulankii 40 aad oo xidhiidh ah guuldaro ka dheeraaday.

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2017/01/12/22/Zinedine Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid ayaa jabiyay rekoodhkii guuldaro la’aanta Barcelona ay ku haysatay 39 kulan ee xidhiidh ka ah waxayna hadda Madrid leedahay 40 kulan oo xidhiidh ah oo ayna wax guuldaro ahi soo gaadhay iyaga oo walba markale saddex maalmood kadib Sevilla soo booqan doona.

Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo lahayd laba ujeedo, waa marka horee waxay doonaysay in ay sii ilaashato natiijadii kulankii Bernabeu ee 3:0 ka ahayd si ay wareega sideed dhamaadka Copa Del Rey ugu soo baxdo waxayna mar labaad doonaysay in ay rekoodh cusub u dhigto kubbada cagta Spain isla markaana ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee 40 kulan oo xidhiidh ah aan wax guuldaro ah soo arkin iyada oo doonaysay in ay jabiso rekoodhkii Barcelona ee 39 ka kulan oo ay horeba u soo barbaraysay. Laakiin Sevilla ayaa sidoo kale doonaysay in ay dhinaca kale Madrid ugu dhigto natiijadii Bernabeu.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

SEVILLA (3-5-2): Soria; Mercado, Lenglet, Rami; Correa, Iborra, Kranevitter, Sarabia, Escudero; Vietto, Ben Yedder.

KAYDKA:Nasri, Pareja, Jovetic, Ganso, Vitolo, Rico, Kiyotake.

REAL MADRID (4-3-3): Casilla; Danilo, Ramos, Nacho, Marcelo; Kroos, Casemiro, Asensio; Vazquez, Morata, Mariano.

KAYDKA: Navas, Carvajal, Varane, Benzema, Coentrao, Kovacic, Enzo.

Sevilla ayaa ciyaarta ku bilaabtay iyada oo dardar xoogan ku socota isla markaana maanka ku haysay in si ay ciyaarta ugu soo laabto ay ubaahan tahay saddex gool waxayna fursadeedii ugu horaysay ee bartilmaameed goolka Real Madrid ah ku samaysay 60 ilbidhiqsi oo kaliya waxaana darbo 25 yards ujirtay goolka Madrid ku tuuray Escudero balse may noqon mid faa’iido keentay.

DAQIIQADII 10 AAD GOOOOOOOOOOOL! Sevilla ayaa bilawgii ciyaartaba heshay goolkeeda furitaanka ee niyada u dhisay kadib markii uu difaaca Real Madrid ee Danilo Luiz da Silva iska dhaliyay gool layaableh oo qaabka gool dhalyaasha madax qurux badan shabaqa kooxdiisa ku taabtay wuxuuna xidiga ree Brazil awoodi waayay in uu la tacaalo karoos uu soo tuuray Sarabia waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Sevilla hogaanka ku qabatay.

DAQIIQADII 23 AAD Sevilla ayaa weerar halis badan ku soo qaaday goolka Madrid iyada oo Ben Yedder iyo Escudero ay dhibaato ku abuureen difaaca Madrid laakiin dadaalkooda ayaa ku dhamaaday offside balse xidigaha Sevilla ayaa ka dacwooday calanwaduhu uu saddex fursadood kaga qasaariyay offside aan jirin basle garsooraha ayaan waxba ka soo qaadin.

DAQIIQADII 25 AAD Real Madrid ayaa heshay fursad qosol ah isla markaana uu difaaca Sevilla si bilaa micno ah uu ku lumiyay kubbad waxaana hadiyada uu Rami bixiyay qaatay da’yarka gool dhalinta cajiibka ah ku soo galay kooxda kowaad ee Mariano Diaz balse goolhaye Soria oo soo daahay ayaa kubbada banaanka ugu soo baxay basle darbo uu kubbada iskaga saari lahaa ayaa Mariano ku dhacday waxayna kubbadu ku noqotay goolkii Sevilla oo banaan ah laakiin ma rumaysan kartid sida ay Sevilla ku badbaaday waxayna kubbadu iska dhinac martay birta goolka!!.

Ciyaarta ayaa noqotay mid shidan isla markaana xamaasad badan balse Sevilla ay abuuraysay fursadaha ugu badan waxaana daqiiqadii 29 aad Real Madrid badbaadiyay goolhaye Casilla kadib markii uu  Ben Yedder darbo uu gool kudhalin lahaa sii daayay waxaana isku dhigay oo kubbada isku duubay Casilla.

DAQIIQADII 43 AAD Real Madrid ayaa umuuqatay in ay ugu danbayn heshay goolkeeda barbaraha iyada oo Kroos iyo Mariano ay isla ciyaareen kubbad qurux badan balse kubbad uu xidiga ree Germany ku tuuray lugta bidix ayaa markii uu h–e u muuqatay in ay shabaqa Sevilla salaantay balse waxay ku dhamaatay in ay banaanka martay.

DAQIIQADII 45+1 Sevilla ayay qasab ku noqotay in ay waqti dheeriga ahaa ee qaybtii h–e ee kulankan badal samayso waxaana ciyaarta sii wadan kari waayay Carlos Correa kaas oo taakal kala kulmay Casemiro waxaana lagu soo badalay saxiixa cusub ee Sevilla dhawaan ku soo biiray ee Stevan Jovetić, balse waxaa lagu kala nastay 1:0 ay Sevilla hogaanka ciyaara ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid markiiba bilawday in ay markale raadiso goolka barbaraha halka Sevilla uu hamigeedu ahaa in ay goolal kale raadsato si ay ugu soo dhawaan karto barbaraynta ciyaarta ee natiijada guud.

DAQIIQADII 48 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Real Madrid ayaan waqti badan ku lumin in ay ciyaarta dib ugu soo laabto waxayna heshay goolkeeda barbaraha waxaana qaab cajiib ah oo kali shaqaysi ah goolkan ku dhaliyay Marco Asensio kaas oo Sevilla orodkiisa ku kala dhantaalay wuxuuna dhinac iskaga dhigay Vietto oo ahaa xidiga kaliya ee baacsanayay wuxuuna Asensio si qurux badan kubbada uga saaray lugaha goolhaye Soria si uu ciyaarta uga dhigo barbaro 1:1 ah.

DAQIIQADII 53 AAD GOOOOOOOL!  Alla maxay bilaabasho  fiican u Ahayd!! Stevan Jovetić ayay daqiiqado kooban oo kaliya ku qaadatay inuu Sevilla u dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay isaga oo waliba qaab qurux badan ku dhamaystiray kubbad uu xerada ganaaxa Madrid ku helay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay markii labaad Sevilla hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 63 AAD Jovetic ayaa ugu dhawaaday in uu dhaliyo goolkiisa laabad ee kulankan laakiin kubbad goolka Madrid sii galaysay ayuu goolhaye Casilla awooday in uu lugta iskaga soo celiyo waxayna ahayd fursad xaqiiqi ah oo uu Casilla si fiican u badbaadiyay.

DAQIIQADII 67 AAD Toni Kroos ayaa markale helay fursad cajiib ah oo la filan karayay inuu ku dhaliyo goolka labaad ee Madrid laakiin goolhaye Soria ayaa markiisa sameeyay gool badbaadin cajiib ah si uu kooxdiisa hogaaka ugu sii ilaaliyo sidoo kale Rami ayaa ku sigtay in uu sidii Danilo gool iska dhaliyo.

DAQIIQADII 76 AAD Zidane ayaa kaydka uga yeedhay Karim Benzema wuxuuna ciyaarta ka saaray Alvaro Morata oo aan kulankan iskugu muujin Zidane waxayna ciyaartu noqotay mid labada kooxoodba goolal laga filan karo oo xamaasad badan.

DAQIIQADII 77 AAD GOOOOOOOOOOOL! Sevilla ayaa kadib silsilado weerar joogto ah oo ay ku haysay goolka Real Madrid la timid goolkeeda saddexaad waxaana gool si cajiib ah looga soo shaqeeyay isla markaana uu Samir Nasri soo kala dhantaalay difaaca Real Madrid goolkan ku dhamystiray Vicente Iborra kaas oo ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Sevilla hogaanka ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 82 AAD REKOODHE! Real Madrid ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay farqiga goolasha ku soo yarayn kartay kadib markii uu Casemiro uu kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa Sevila isla markaana uu Kranevitter qalad ku galay wuxuuna garsooruhu tilmaamay gool ku laad.

DAQIIQADII 83 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Sergio Ramos ayaa qaab cajiib ah oo ay kalsooni iyo khibrad wayni ku dheehan tahay u dhamaystiray rekoodhaha kooxdiisa loo dhigay wuxuuna Ramos ciyaarta ka dhigay 3:2 ay wali Sevilla hogaanka ciyaarta ku hayso laakin gookan ayaa dhulka sii jiitay rajadii Sevilla ay ku raadinaysay in ay la timaado goolal kale si ay ugu soo baxdo sideed dhamaadka Copa Del Rey.

DAQIIQADII 86 AAD Casilla ayaa Jovetic ka badbadiyay fursad gool cadaan ah waxayna sidoo kale Sevilla garaacday birta goolka waxayna Sevilla markale bilawday weeraro ay difaaca Real Madrid si xoogan ugu dhibtoodeen balse marka ay Real Madrid kubbada hesho ayay si xoogan u raadinaysay goolkeeda barbaraha si ay guuldaro uga badbaado.

DAQIIQADII 90+3 GOOOOOOOOOOOOOL! + TAARIIKH.  Karim Benzema ayaa ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay ciyaarta Real Madrid ka badbaadiyay guuldaro wuxuuna noqday geeska Los Blancos u horseeday inay taariikh cuusb u dhigto kubbada cagta Spain isla markaana ay kulankii 40 aad oo xidhiidh ah guuldaroka dheeraato, wuxuuna Benzema goolkan dhaliyay intii lagu jiray dhamaadka saddex daqiiqo oo ciyaarta lagu daray wuxuuna ciyaarta ku dhamaystiray barbaro 3:3 ah oo Real Madrid guuldaro ay ilbidhiqsiyo u jirtay kaga badbaaday.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay Real Madrid sidan oo kale xili ciyaareedkan guuldaro kaga badbaaday dhamaadka kulamada waxayna noqotay mid Zidane uu caan ku noqday isla markaana uu nasiib cajiib ah ku yeeshay. Real Madrid ayaa inkasta oo ay dhibaato badan soo aragtay kulankan soo xaqiijisatay labadii u jeedo ee ay Sevilla u booqatay oo ahaa u soo bixitaanka sideed dhamaadka Copa Del Rey iyo dhigida rekoodhka guuldaro la’aanta ee 40 ka kulan ee xidhiidhka ah.

Xigasho Laacib.net

COMMENTS
Latest News